Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

RASMI: Peter Bosz oo loo dhiibay xilka tababaranimo ee Borussia Dortmund

$
0
0

rrrr

(Dortmund) 06 Juunyo 2017. Peter Bosz ayaa saakay iska casilay xilka tababaranimo ee naadiga Ajax waxaana iminka loo magacaabay tababaraha cusub ee Borussia Dortmund.

Bosz ayaa ku hogaamiyay kooxda reer Holland ee Ajax final ka Europe League inkastoo ay guul daro kala kulmeen kooxda Jose Mourinho ee Man United.

Yeelkeede, tababaraha ayaa isaga soo tagay kooxdiisa kaddib hal sano oo qura uu xilka u hayay.

Waxaa iminka loo magacaabay xilka Dortmund kaddib markii kooxda laga ceyriyay tababare Thomas Tuchel

Kooxda ayaa boggeeda Twitter ku xaqiijisay in Peter Bosz uu yahay tababaraheeda cusub ilaa laga gaarayo 2019.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles