Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Taageerayaasha Barcelona oo ku Heesayay Magaca Cristiano Ronaldo kulankii xalay ee El Clasico

$
0
0

(Madrid) 28 Feb 2019. Taageerayaasha Barcelona ee tirada yaraa kuwaa oo soo xaadiray Santiago Bernabeu kulankii xalay ay kooxdoodu 3-0 uga adkaatay Real Madrid lugtii labaad ee afar dhammaadka Copa del Rey ayaa ku heesayay magaca Cristiano Ronaldo.

Labada Boqol oo taageere oo ka socday Barca ayaa ku heesayay magaca laacibka ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid kaa oo ku Biiray Juventus si ay ugu duraan kooxda ay martida u yihiin.

“Aaway CR7?” taageerayaasha Barca ayaa sidaa ku qeylinayay markii ay kooxdoodu saddex ku xaaqday Madrid.

Real Madrid ayaa isla sabtida markale la ciyaari doonta Barcelona is aragooda labaad ee La Liga.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles