Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“War adigaan kaaga tagayaa kooxda.”.- Ramos oo sidaa ku hanjabay kaddib Muran ka dhacay qolka dhar-badalashada Real Madrid…(Yay is qabteen?)

$
0
0

(Madrid) 08 Maarso 2019. Sergio Ramos ayaa ku goodiyay inuu isaga tagayo kooxda Real Madrid kaddib markii ay isku dhaceen Madaxwaynaha Real Madrid ee Florentino Perez.

Sida uu warinayo warsidaha caanka ah ee AS, in kabtanka Real Madrid ay isku dhaceen Perez kaddib guul daradii foosha xumeyd ee ka soo gaartay Ajax tartanka Champions League.

Ramos ayaa Los Blancos uga soo biiray Sevilla sanadii 2005 wuxuuna kula guuleystay 14-koob oo waa wayn, balse wuxuu seegay kulankii lagu ihaaneystay kooxdiisa oo looga reebay Champions League kaddib markii uu Jaale ku tala gal ah qaatay lugtii hore ee lagu soo ciyaaray Amsterdam.

Kulanka 4-1 looga adkaaday kooxdiisa ayuu ka daawanayay halka sare ee Bernabeu wuxuu xitaa goobta keensaday koox muuqaal ka duubeysa ka hor inta aysan isku dhicin Madaxwanaha kooxda markii uu dib ugu laabtay qolka dharbadelashada.

Tokeo la picha la SCRAMOS Sergio Ramos announces he will ‘leave’ Real Madrid in explosive dressing room row with Florentino Perez

Waxaa la warinayaa in Florentino Perez uu dhaleeceyn kulul kala dul dhacay ciyaartoyda kaddib kulanka, laakiin Ramos ayaa si kulul isna ugu jawaab celiyay.

Ramos ayaa Madaxwaynaha u sheegay in isaga iyo maamulka sare ee kooxda ay masuul ka yihiin dhibaatada iminka heysata kooxda balse aysan ciyaartoyda aheyn.

Waxaa xitaa la warinayaa in Ramos uu ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka hortooda ku yiri Madaxwaynaha:

“Lacagteyda isii waan baxayaa.”.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles