(Europe) 14 Maarso 2019. Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa u soo wada baxay wareega sideed dhammaadka koobka ugu xiisaha badan ee Yurub Champions League.
Ronaldo ayaa saddexleey ka kacay habeen hore si uu u soo saaro Juventus halka Messi uu dhaliyay labo gool isla markaana caawiyay labo kale ciyaartii xalay ay Barcelona shanta gool uga adkaatay Lyon.
Haddaba Sky Sport ayaa isbar-bar dhig dhan kasta ah ku sameeyay labada laacib.
Ronaldo ayaa ka goolal badan Messi tartanka Champions League inkastuu Messi ka kulamo yar yahay laacibka reer Portugal.
Sidoo kale Ronaldo ayaa ka caawin badan Messi tartanka Champions League, wuuna ka rigoore dhalis badan yahay.
Waxaa intaa dheer in Ronaldo uu CL ku guuleystay 5-jeer halka uu Messi ku guuleystay 4-jeer.
EEG isbar-bardhiga labada laacib.
FIIRO GAAR AH:
Waxaa badan kulamada uu Ronaldo saftay Champions League 160 kulan halka uu Messi tartankan ciyaaray 131-kulan.
Gool FM.