(Europe) 29 Maarso 2019. Claude Makelele ayaa ka sheekeeyay mar uu hanjabaad toos ah u jeediyay Ronaldinho intii lagu guda jiray kulan ciyaareed isagoona sheegay in u jeedkiisu ahaa inuu si dhab ah u dhaawoco xiddiga Barcelona.
Laacibkii hore ee qadka dhexe ee Chelsea ayaa sheekadan daaha uga rogay wareysi uu siinayay saaxiibkii hore ay ka wada tirsanaayeen Blues William Gallas.
Chelsea ayaa lix jeer tartamada Yurub ku wajahday Barcelona sanadihii u dhexeeyay 2005 ilaa 2007, afar ka mid ah waxay ahaayeen wareega 16-ka.
Dhammaan lixda kulan, Makelele ayaa waji ka waji uga hor yimid Ronaldinho oo ku jira waqtigiisii ugu fiicnaa, shaki la’aana ahaa laacibka ugu fiican adduunka ee waqtigaa.
Yeelkeede, Makelele uma riyaaqin farsamada ka bad-badiska uu Ronaldinho sameeyo si uu u soo jiito dareenka dadka, wuxuuna ka dhawaajiyay inuu Ronaldinho u sheegay inuu joojiyo farsamada qiyaanada ee ka bad-badiska ah ama uu Isbitalka dhigi doono.
“Waxaan jeclaan lahaa inaad ii timaado isla markaana si sax ah aad iigu goyso/gambiso.”.-Madaalaha reer France ayaa sidaa u sheegay RMC Sports.
“Laakiin dhammaan farsamadaada qiyaanada ee PlayStation waxaan idin dhigi doonaa Isbital!! Muxuu sameeyay? Kubbada ayuu i siiyay wuuna i raali galiyay.”.
Makelele oo xiddig ka ahaa Chelsea sanadihii u dhexeeyay 2003 ilaa 2008 ayaa sidoo kale Ronaldinho la bar bardhigay saaxiibkii ay ka wada tirsanaayeen Real Madrid ee Zinedine Zidane.
Hasayeeshee, wuxuu sheegay in Zidane uu ahaa Farshaxamiiste kubbada cagta ah oo meel fiican ku dhammeeya kubbada halka uu Farsamada khiyaanada ee Ronaldinho ku sheegay mid badanaa aan loo baahneyn.
Gool FM.