Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Ronaldo waa Boqorka Tartamada Yurub kaddib Goolkii xalay….(Dhan kasta isagaa ka hogaaminaya)

$
0
0

(Europe) 11 Abriil 2019. Cristiano Ronaldo ayaa Champions League ka dhaliyay gool kale uu muhiim ah kaddib markii uu Madaxa ku dhaliyay goolka qura ay Juventus xalay dhalisay ciyaartii ay bar baraha 1-1 la galeen Ajax, taa oo ka dhigan inuu noqday laacibka ugu goolasha iyo guulaha badan tartamada Yurub oo idil.

Goolka ayaa ka dhigan in Ronaldo uu dhaliyay goolkiisii 64-aad ee wareegyada bug baxa Champions League waana in saddex gool dheer goolasha uu ka soo dhaliyay wareega Group yada tartankan 61-gool.

23-gool wuxuu ka dhaliyay wareega 16-ka, 24-gool wareega sideed dhammaadka, 13-gool wareega afar dhammaadka (Semi-final) iyo 4-gool uu ka dhaliyay ciyaaraha kama dambeysta ee Final ka.

Guud ahaan waa laacibka ugu goolasha badan Champions League 125-gool oo uu ku dhaliyay 161-gool.

Ku darso waa laacibka ugu guulaha badan taariikhda Champions League waana laacibka kaliya ee taariikhda tartanka goolal ka dhaliyay 11-kulan oo xiriir ah.

Waxaa intaa u dheer, waa laacibka ugu goolasha badan tartamada Yurub oo dhan 127-gool, waana xiddiga kaliya ee afar jeer ku guuleystay laacibka sanadka ee UEFA.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles