Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waxaan doonayaa inaan waayaheyga ciyaareed ku dhammeysto Barcelona.”.

$
0
0

lion

(Catalonia) 08 Juunyo 2017. Lionel Messi ayaa ku riyoonaya inuu waayihiisa ciyaareed ku dhammeysto kooxda Barcelona kaddib wararka dhawaan galka ah ee sheegaya inuu la gaaray kooxda reer Spain heshiis qandaraas kordhin ah.

Mustaqbalka 29 jirka ayaa si aad ah loo hadal hayay iyadoo uu heshiiskiisu dhacayo kal ciyaareedka soo socda isla markaana wada hadalada ay u muuqdeen kuwa tartiib u socda.

Laakiin warar soo baxay shalay oo arboco ah ayaa soo jeedinayay inuu ogolaaday heshiis ku eg ilaa 2021 ama 2022.

Messi: I want to retire at Barcelona

Wareysi uu siiyay Tencent Sports oo ay soo daabacday ESPN ayuu kabtanka xulka Argentina ku yiri sidan:

“Waa wax aan markasta doonayay oon ku riyoonayay. Waxaan jeclaan lahaa inaan waayaheyga ciyaareed ku dhammeysto Barcelona,”. Messi ayaa sidaa yiri.

Messi ayaa waqti ay koobab ka buuxaan kula soo raaxeystay gegada Camp Nou, 8 jeer La Liga iyo 4 jeer koobka dhaga waynaha ee Champions League, 5-jeer ayuuna ku guuleystay Ballon d’Or abaal marinta laacibka ugu fiican adduunka.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles