Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

MUUQAAL: Bakayoko iyo Gattuso oo ay xalay ka dhex tafatay….(Maxaa la isku maagay???)

$
0
0

(Italy) 07 Maajo 2019. Laacibka qadka dhexe ee Chelsea Tiemoue Bakayoko ee iminka amaahda ku jooga AC Milan ayaa waxay xalay is qabteen tababaraha dabeecada kulul ee Gattuso kulankii ay Milan xalay 2-1 uga adkaatay Bologna.

24-jirka reer France ayaa usbuucii tagay ka careysiiyay macalinka reer Talyaani kaddib markii uu ka soo daahay tababarka kooxda taa oo keentay in keydka lagu soo bilaabo ciyaartii xalay.

Yeelkeede, sheekadooda ayaa sii kululaatay kaddib markii uu Gattuso laacibka ku amray inuu iskululeeyo si uu  badelo Lucas Biglia oo dhaawac soo gaaray.

Tiemoue Bakayoko clashed with AC Milan boss Gennaro Gattuso

Bakayoko ayaa la warinayaa inuu iskululeynta aad ugu daahay taa oo markale ka careysiisay Gattuso oo durbadiiba qaatay go’aanka ah inuu garoonka soo galiyo Jose Maur isla markaana uu keydka ugu dhameeyo Bakayoko.

Kaamirooyinka ayaa soo qabtay macalinka iyo laacibka oo dood kulul dhex mareyso iyadoo xitaa uu Bakayoko ku yiri Gattuso ‘‘f*** off’.

Xiddiga reer Chelsea ayaa si liidata ku bilowday waayihiisa AC Milan balse dib ayuu ka soo noolaaday isagoona wacdaro muuqata ka dhigay qadka dhexe ee horyaalka Talyaaniga.

Milan aad bay u dooneysay inay si toos ah u iibsato Bakayoko balse dagaalka cusub ay iskula jiraan Gattuso waxay u badan tahay in dib lagu celin doono gegada Stamford Bridge.

DAAWO:

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles