Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Lionel Messi oo OOYIN Jabsaday isla markaana la aamusin waayay…..!!!!!

$
0
0

(Liverpool) 08 Maajo 2019. Lionel Messi ayaa ooyin jabsaday oo la aamusan kari waayey markii ay xiddigaha Barcelona ku soo laabteen qulka labiska kaddib soo laabashadii waalida ahayd oo ay xalay kala kulmeen kooxda Liverpool, iyadoo Reds ay 4-0 uga adkaatay Barca oo lugtii hore ku soo badisay 3-0.

Messi, kaasoo 600 oo gool u dhaliyey Barca 683 kulan oo uu u saftay ayaa la soo warinayaa inuu yahay ciyaaryahanka ay sida ugu xun u sameeysay guuldarradii cel-celis ahaan 4-3 oo ay kala kulmeen Liverpool ee Champions League, taasoo Tareenka tartankan looga saaray Barcelona.

Wargeyska lagu kalsoon yahay ee The Guardian ayaa warinaya in 31-sano jirkaan uu ahaa mid la aamusin kari waayey markii ay xiddigaha Barcelona ku soo laabteen qolka labiska kaddib markii uu soo dhammaaday kulankii xalay, halka Warbaahinta Spain ay sheegeyso inay isku dhaceen isaga iyo taageerayaasha Barca, markii uu yimid garoonka diyaaradaha Magaalada Liverpool ee John Lennon Airport.

Xiddiga reer Argentina ayaa kaligiis ka soo baxay garoonka Anfield isagoo ilmeenaya waxaana si cad loo arkayay inuu ka careysan yahay natiijadii lama filanka ahayd ee xalay.

Messi ayaa ka haray saaxiibadiisa oo mar dambe soo gaaray garoonka diyaaradaha maadaama uu ka soo tagay Baska kooxda waayo waxaa laacibka lagu sameenayay baaritaano la xiriira dawooyinka maandooriyeyaasha ah ee mamnuuca ka ah ciyaartoyda.

Leo Messi ayaa mar dambe soo gaaray garoonka diyaaradaha waxaana intaas u dheeraa inuu la dagaalay oo ay isku dhaceen taageerayaasha Barca qaarkood, intii ay ilaalada garoonka baaritaano ku sameynayeen xiddigaha Barcelona oo duuli lahaa, qaar ka mid ah taageerayaasha Barca oo careysan ayaa ku soo xoomay Messi oo qudhiisa fal celin sameeyay, laakiin nasiib wanaag ilaalada ayaa kala dhex galay si uusan laacibku galin xaalad khatar ah.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles