(Europe) 09 Maajo 2019. Shaki kuma jiro in waqti dheer laga sheekeyn doono sida ay kooxaha reer England ee Liverpool iyo Tottenham ugu soo gudbeen Final ka Champions League.
Reds ayaa habeen hore 4-0 uga soo adkaatay Barcelona xilli lugtii hore ee sami final ka looga soo adkaaday 3-0.
Spurs oo iyana 1-0 looga soo adkaaday lugtii hore ee lagu soo ciyaaray mininkeeda ayaa misane labo gool lagu marsiyay qeybta hore ee kulankii xalay ka dhacay Holland.
Yeelkeede, laacibka reer Brazil ee Lucas Moura ayaa saddexleey ka kacay taa oo u suuro galisay in Tottenham ay markii ugu horreysay soo hiigsato kulanka kama dambeysta ee tartanka ugu xiisaha badan Yurub.
Haddaba halka ka aqriso xog ku aadan Final ka.
Goorma ayaa la ciyaarayaa Finalka Champions League?
Waxaa la ciyaari doonaa 1-da bisha nasoo aadan ee June.
Halkee lagu ciyaarayaa?
Waxaa lagu ciyaari doonaa garoonka ay dhawaan uun dhisatay Atletico Madrid ee Metropolitano Stadium oo sidoo kale loo yaqaano Wanda Metropolitano.
Imise Tikidh ayaa kooxdiiba loo ogol yahay:
Kooxdiiba waxay heli doontaa 16,613 oo Tikidh halka inta kale ay maamuli doonto UEFA.
VAR oo markii ugu horreysay loo isticmaali doono Final ka Champions League:
Aalada casrikga ah ee Muuqaalka caawiya garsooraha ee VAR ayaa markii ugu horreysay loo isticmaali doonaa Finalka tartanka Champions League waxaana nasiib u yeeshay kooxaha ka soo wada jeeda Premier League ee Liverpool iyo Tottenham.
Gool FM.