Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Raheem Sterling oo la guddoonsiiyay abaal marinta laacibka sanadka Premier League ee FWA

$
0
0

(England) 10 Maajo 2019. Ka hor kulanka axada ay Manchester City ku xaqiiqsaneyso hanashada horyaalka Premier League, Raheem Sterling ayaa la guddoonsiiyay abaal marinta laacibka sanadka Premier League ee FWA.

Kooxda Guardiola ayaa axada ku qasban inay la timaado natiijo la mid ah tan Liverpool si ay ugu guuleysato horyaalka, waa inay adkaadaan haddii ay Reds ka adkaato Wolves, haddii ay bar-baro labada dhinac wada galaan sidoo kale Man City ayaa koobka qaadi doonta.

Raheem Sterling ayaa loo magacaabay laacibka sanadka ee da’yarta Premier League PFA kaddib markii uu Van Dijk ku guuleystay abaal marinta sare.

Yeelkeede, Xiddig reer England ayaa nasiib u yeeshay inuu ku guuleysto laacibka sanadka ee FWA oo ay so bixiyaan ururka qoraayaasha kubbada cagta.

Sterling oo soo qaatay kal ciyaareed qurux badan ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay abaal marinta la guddoonsiiyay isla markaana ay dareen fiican tahay in la aqoonsado bandhigaaga.

Nikita Parris ee u ciyaarta kooxda haweenka Man City ayaa iyana ku guuleysatay laacibadda sanadka ee FWA.

Manchester City star Nikita Parris collected the FWA Women's Footballer of the Year award

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles