(Maryland) 27 Luulyo 2017. Manchester United ayaa waxaa soo gaaray guul daradii ugu horreysay intii ay waday kulamadeeda saaxiibtinimo kaddib markii ay Barcelona ku martay 1-0.
Qeybtii hore ee dheesha ayaa waxaa goolka ka dhaliyay Neymar daqiiqadii 31-aad kubbad uu khaladkeedu lahaa Antonio Valencia.
Wiilasha Jose Mourinho ayaa aad ugu dhibtooday inay abuuraan fursado badan oo ay goolal ku dhaliyaan maadaama ay inta badan kubbada heysteen kooxda Barca.
Kulanka waa kii ugu dambeeyay ay Man United ciyaarto tartanka International Champions Cup kaddib guulo ay ka soo kala gaartay Man City iyo Real Madrid.
SAWIRRO + MUUQAAL:
MUUQAAL:
Gool FM.