(Muqdisho) 28 Luulyo 2017. Xiriirka kubbada cagta Soomaaliya ayaa baaritaan xoogan ku haya kooxda LL.PP. Jeenyo oo la tuhansan yahay inay si kas cad ah u fasaxday oo ay dhibcaha u siisay kooxda Waxool.
Waxool ayaa qarka u saaran inay hoos ugu dhacdo heerka labaad ee horyaalka Soomaaliya, waxaana la sheegay inay dhibco aan cadaalad ahayn ka heshay Jeenyo oo ay soo wada ciyaareen kuwaa oo dhibcaha siyay.
Xiriirka kubada cagata soomaaliya ayaa soo saaray dikreeto ku aadan kooxaha Jeenyo iyo Waxool digniin adagna usoo jiidiyey dhamaan waaxyaha kala duwan ee kubada cagta .
War saxaafadeed ay soo saareyn xiriirka ayaa sidaan u qornaa.
Ku: Kooxda kubbada cagta Jeenyo
Ku: Kooxda Waxool
Ku : Saxaafadda madaxa Banaan
Ujeedo: Ciyaartii 84-aad ee dhaxmartay kooxaha Jeenyo iyo Waxool Tariikhda: 27-07-17.
Annagoo tixraaceyna ciyaarta kor ku xusan ee dhaxmartay kooxaha Jeenyo iyo Waxool maalintii Talaadada oo bisha ku aheyd 25-07-17 kana tirsaneyd Horyaalka heerka koowad ee dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka fariistay guddiga gaarka ah uu guddoomiyaha xiriirka u saaray kormeerida ciyaaraha haray ee horyaalka baaritaanada denbiyada ka dhaca.
Haddaba kaddib markii guddiga sameeyay baaritaan ku aadan ciyaartaasi isla markaasina dib u daawaday Video-ga ciyaarta ayuu wuxuu guddiga soo saaray go’aan horudhac ah oo ah sida hoos ku xusan.
1-In la Baabi’iyay dhibcihii ciyaartaasi gabi ahaan ayadoo loo arkay in ciyaartaasi aysan u dhicin si ay ku jirto daacadnimo iyo ciyaar wanaag (Fair Play) isla markaasna waafaqsan xeerka kubadda cagta.
2-In la furo baaritaan adag oo deg deg ah kuna saabsan ciyaartaasi iyo ciyaaro kale oo dhacay kana tirsanaa horyaalka heerka 1-aad taasoo lagu baarayo dhacdooyin la xiriira khiyaanooyin ciyaareed iyo wax isdaba marin isla markaasina saameyn doonta cayaartooy, Macallimiin, Madax Naadiyaal iyo Garsoorayaal intaba.
Haddaba waxa uu xiriirka isagoo aad ugu xun kooxaha iyo shakhsiyaadka ku kacay falalka ka baxsan ciyaar wanaagga uu ugu digayaa inay ku kacaan falal Horseedi kara ganaaxyo culus.
Ugu danbeyntii waxii go’aamo ah ee kasoo baxa baaritaanadaan waxa loo soo gudbin doona sida ugu dhakhsiya badan marka baaritaanadu soo gabo gaboobaan.
Waxaan idiin rajeyneynaa ciyaar wanaagsan iyo horumar.
Gool FM.