(Muqdisho) 17 Maarso 2016. Ciyaarta loogu magac daray North Mogadishu Derby ee kooxaha Dekadda iyo Horseed ayaa lagu kala baxay bar-baro 2-2.
Qeybtii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 1-0 oo ay ku hogaamineyso Dekadda.
Hogaanka ayay sii dheereysatay oo 2-0 ayay ka dhigtay markii la isku soo laabta dheesha qeybteedii labaad, yeelkeede isma ay dhiibin Horseed oo hardan ayay u gashay inay hesho bar-baro oo waxay iska guday labada gool 2-2.
Dekadda ayaa soo xiratay kaalinta saddexaad oo urursatay 20-dhibcood halka Horseed ay leedahay 16-dhibcood kaalinta 6-aad.
Gool FM.