(London) 17 Maarso 2016. warsidaha Football Insider ayaa sheegaya in tababare Arsene Wenger laga yaabo inuu waayo 9 ciyaaryahan oo waa wayn marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Wenger ayaa la warinayaa inuu doonayo inuu iibiyo daafacyada Kieran Gibbs iyo Mathieu Debuchy isagoona u ogolaan doona inay tagaan rugcadaayaasha uu heshiiskoodu sii dhacayo Mathieu Flamini, Mikel Arteta iyo Tomas Rosicky.
Football Insider wuxuu kaloo sheegay in Alex Oxlade-Chamberlain, David Ospina, Per Mertesacker iyo Olivier Giroud ay go’aansan karaan inay isaga huleelaan kooxda ka dhisan woqooyina London.
Dhanka kale xiddiga qadka dhexe ay Gunners ku haminayeen ee u ciyaara Borussia Monchengladbach Havard Nordtveit ayaa waxaa rabitaankiisa ku soo biiray kooxda West Ham oo si rasmi ah u sheegtay doonisteeda iyadoo ay jirtay in Liverpool qudheeda ay sheeda ka eeganeysay laacibka reer Norway.
Halyeyga naadiga Arsenal Ian Wright ayaa soo jeedinaya isna in Wenger isaga tago kooxda isagoona bogaadinaya soona dhaweynaya inuu xilka qabto Jose Mourinho.
“Waxaan jeclahay Jose, haddii uu aado Arsenal ma noqon doonto wax aan ka soo horjeesto.”.
Waxaa kuu soo koobay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).
Gool FM.