Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Maxay tahay sababta ay Sanchez iyo Ozil u seegeen kulanka iminka ee Chelsea iyo Arsenal???

$
0
0

LONDON, ENGLAND - MAY 21: Mesut Ozil and Alexis Sanchez of Arsenal after the Premier League match between Arsenal and Everton at Emirates Stadium on May 21, 2017 in London, England. (Photo by David Price/Arsenal FC via Getty Images)

London) 06 Agoosto 2017. Arsene Wenger ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ay Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez u seegeen kulanka Community Shield ee iminka gegada Wembley ku dhex maraya kooxaha Chelsea iyo Arsenal.

Sanchez ayaa ka maqnaa dhammaan kulamada ay Gunners isagu diyaarineysay kal ciyaareedka cusub, maadaama fasax dheeri ah la siiyay kaddib markii uu xulkiisa Chile ku hogaamiyay Final ka Confederations Cup.

Sidoo kale wuxuu seegay koobka Emirates Cup oo ay marti galiso Arsenal sababo xanuun uu sheegtay awgeed.

“Sanchez halkan ayuu joogaa balse aad ayay ugu yartahay inuu ciyaaro,”. Wenger ayaa sidaa yiri mar uu u waramayay BT Sport kulanka ka hor.

“Ozil wuxuu qabaa dhibaato canqowga ah. Aaro Ramsey wuxuu qabaa dhibaato yar oo kubka ah waxaan u baahanahay inaan ilaalino sidaa darteed saddexdan ma ciyaarayaan.”.

Chelsea iyo Arsenal ayaa qeybtii hore ku kala maray 0-0.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles