(Milano) 07 Agoosto 2017. Waa sheeku ku bilaabatay kaftan balse dhab dhab ku biyo shubatay iyadoo ay Milan beeso jeebka ugu shubtay Juventus isla markaana ay ka soo qaadatay daafacooda birta ah ee Leonardo Bonucci waa sida uu sheegayo agaasime Massimiliano Mirabelli.
Milan ayaa dooneysay inay dayactir xoogan is galiso, balse kooxda uu tababaraha u yahay Vincenzo Montella ayaa ka yaabsatay adduunka kaddib markii ay bishii la soo dhaafay isku daba riday inay la soo wareegto daafaca ku guuleystay Serie A ee Bonucci.
Massimiliano Mirabelli ayaa qiray inaysan kolkii hore qorsheynayn inay la soo wareegaan daafaca reer Talyaani.
“Lam qorsheyn heshiiska aan kula soo wareegnay Bonucci, balse waxay ahayd fursad ay tahay inaan ka faa’iideysano markii ay na soo martay,” Sidaa ayuu ayuu agaasimuhu u sheegay Rai Sport.
“Waxaan wakiil Alessandr Lucci kala hadlayay ciyaartoyda kale balse wuxuu joogto igula kaftamayay sheeko ku saabsan Bonucci, xitaa uma sheegin madaxa fulinta ee kooxda Marco Fassone.
“Laakiin waxaan arkay in xarfaanku dhab ahaan doonayo inuu yimaado Milan sid dhaqsi leh ayaana uga shaqeynay wada hadalada.”.
Gool FM.