(Europe) 08 Agoosto 2017. Waxaa caawa is qaban doona muruq waynta Yurub ee Real Madrid iyo Manchester United oo ku balansan UEFA Super Cup maadaama ay soo kala qaadeen Champions League iyo Europe League.
Haddaba ka hor kulankooda waxaan halkan idin kugu heynaa kooxaha inta ugu badan ku soo guuleystay koobkan.
Kooxaha Barcelona iyo AC Milan ayaa ah kuwa inta ugu badan ku guuleystay UEFA Super Cup oo waxay heystaan min 5-jeer tan iyo markii la aas aasay koobka 1972.
Waxaa ku soo xiga kooxaha Real Madrid iyo Liverpool oo hantay min 3-jeer.
Manchester United, Chelsea, Nottingham Forest iyo Aston Villa ayaa iyana min hal jeer qaaday Super Cup.
Gool FM.