Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“kama iibinayo xitaa haddii ay bixiyaan Miisaankiisa oo DAHAB ah.”’. Florentino Perez oo si kal iyo laab ah ugu deyriyay kooxaha doonaya Ronaldo

$
0
0

df

(Europe) 08 Agoosto 2017. Real Madrid iskama iibin doonto Cristiano Ronaldo xitaa haddii kooxaha doonaya laacibka ay miiska soo saaraan miisaankiisa oo dahab ah sida uu sheeganayo madaxwaynaha kooxda Florentio Perez.

Kabtanka xulka Portugal ayaa la hadal qaaday inuu xagaaga ka tagi karo Real Madrid kaddib markii la wariyay inuu doonayo inuu isaga tago Bernabeu kaddib eedeymihii canshuur lunsiga ee maxkada loo soo taagay.

Wararka xanta ee Ronaldo ayaa sii socday intii uu ciyaarayay Confederations Cup ilaa uu laacibka markii dambe u muuqday inuu soo afjaray sheekadaa kaddib markii uu muujiyay rabitaankiisa xoogan ee ku aadan inuu doonayo inuu koobab hor leh kula guuleysto Real Madrid.

Laacibkii hore ee Manchester United ayaa misane intii la dhageysanayay eedeymihiisa ku aadan canshuur lunsiga caddeeyay inuu doonayo inuu ku laabto Ingiriiska, taa oo markale dab ku shiday shakiga laga qabo inuu tagayo.

Yeelkeede, Madaxwaynaha Real Madrid Perez oo la hadlayay jariiradda reer Talyaani ee Gazzetta dello Sport ayaa yiri:

“Ma Inaan iibiyo Ronaldo? Marna ma dhaceyso. Ma iibin doono Cristiano xitaa haddii ay bixiyaan miisaankiisa/culeyskiisa oo dahab ah.

“Kaliya ciyaartoyda waa wayn ayaa keena lacago waa wayn.”.

Cristiano Ronaldo Florentio Perez Real Madrid no sale

Real Madrid ayaa caawa UEFA Super Cup la ciyaari doonta kooxda Manchester United oo uu hogaaminayo macallinkoodii hore ee Jose Mourinho.

Goo FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles