(Catalonia) 17 Agoosto 2017. Barcelona ayaa Nou Camp ku soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Poulinho kaa oo ay 40-milyan kaga soo iibsatay kooxda Shiineeska ee Guangzhou Evergrande.
Inkastuu yahay laacibka 4-aad ee ugu qaalisan taariikhda kooxda Barca misane waxaa halkii lagu soo bandhigayay soo xaadiray 2,000 oo taageerayaal oo qura waana tiro aan u dhaweyn intii soo dhaweysay Neymar markii uu ku soo biirayay Barcelona.
Xiddiga reer Brazil ee dhawaan lacagihii ugu qaalisanaa ebid kubbada cagta 222 milyan oo euro ugu biiray PSG ayaa waxaa 2013-kii Nou Camp ku soo dhaweysay 90,000 taageerayaal oo aad u xamaasadeysan.
Sikastaba, Barcelona ayaa iminka u muuqata inay lug ka jiiseyso Neymar la’aantii kaddib markii ay Real Madrid uga adkaatay 5-1 isku cel celis labada lug ee Supercopa.
Culeyska ayaa iminka ku sii badanaya kooxda reer Catalonia maadaama la soo sheegay inuu muddo bil ah garoomada ka maqnaan doono Luis Suarez taa oo la micno ah in Messi kaliya uu ka joogo weerarkii laga baqi jiray ee MSN.
Gool FM.