(Liverpool) 19 Agoosto 2017. Liverpool ayaa 1-0 kaga adkaatay kooxda Crystal Palace kulankoodii labaad ee horyaalka Premier League kal ciyaareedka cusub.
Qeybtii hore dheesha ayaa lagu kala nastay 0-0 iyadoo ayba yaraayeen fursado la isku helay oo gool loo filan karay.
Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee dheesha Liverpool ayaa la timid fir fircooni badan iyadoona sameysay fursado dhowr ah.
Sadio Mane ayaa goolka madiga ah u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 73 kubbad uu qaladkeedu lahaa daafaca isla markaana uu taabtay mar uu goolhayaha ku soo baxay.
Mane ayaa ku lug lahaa 5-gool lix kulan uu Premier League ka horyimid Crystal Palace, 4-gool iyo hal caawin.
SAWIRRO:
Gool FM.