Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Anigu kama cabsanayo Drinkwater.” . Tiemoue Bakayoko

$
0
0

ddd

(London) 30 Agoosto 2017. Tiemoue Bakayoko ayaa sheegay inuusan booskiisa uga cabsaneyn Danny Drinkwater oo la filayo inuu ku soo biiro Chelsea.

Blues ayaa la aaminsan yahay inay 30 milyan oo bound kula heshiisay Leicester City si ay ula soo wareegto xiddiga qadka dhexe ee England.

Bakayoko ayaa aaminsan in Drinkwater uu saxiix fiican u noqon doono naadiga haddii uu yimaado maadaama ay Chelsea ku yaryihiin xiddigaha qadka dhexe.

Laakiin wuxuu sheegay inuusan uga cabsaneyn booskiisa amaba cid kale oo kooxda timaada.

 “Ma jirto ciyaaryahan aan ka cabsanayo, laakiin waa tartan waana mida kaa dhigeysa inaad sii wacnaato,” Sidaa ayuu u sheegay SFR Sport.

“Isaga [Drinkwater] waa ciyaaryahan fiican wuuna caawin doonaa kooxda.

“Qadka dhexe kuma heysano ciyaartooy nagu filan wuxuuna kooxda ka dhigi doonaa mid xoogan.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles