Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Markii hore Chamberlain misane Llorente iminkana Ross Barkley…(Halkee laga heystaa Chelsea????)

$
0
0

liii

(London) 31 Agoosto 2017. Chelsea ayaa mashaqo ka heysataa suuqa kala iisbiga ciyaartoyda iyadoo misane ay soo gaartay jab kale oo xoogan.

Arsenal iyo Chelsea ayaa ku heshiiyay saxiixa Chamberlain laakiin laacibka ayaa booday oo door biday Liverpool isagoona u dhaqaaqay Anfield.

Waxaa u xigtay in bartilmaameedkii koowaad ee Antonio Conte Fernando LIorente lagu soo sawiray maaliyadda Tottenham.

Waxaase taa oo dhan ka daran in Ross Barkley oo la sheegay inuu xitaa tijaabada caafimaad u maray Blues uu ugu dambeyn booday isagoona ku laabtay Everton.

Sheekada waxaa yaab ka sii dhigeya in tababaraha Everton uu Barkley u caddeeyay inuusan mustaqbal ku lahayn kooxda saas ay tahayna wuxuu diiday Chelsea oo wuxuu go’aansaday in sanadka u harsan uu joogo kooxdiis.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025