Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Toni Kroos oo maaliyadii uu ku garaacay Barcelona iyo Biladiisa ugu deeqay Caruur Xanuunsan

$
0
0

too

(Madrid) 09 Sebt 2017. Toni Kroos ayaa aas aasay hey’ad samafal ah sadde sano ka hor isagoo uga golahaa inuu ku caawiyo caruurta xanuusan, laacibka reer Germany ayaana go’aansaday inuu tabarruco qaar ka mid ah maaliyadihiisa qiimaha leh iyo waliba biladihiisa ugu muhiimsan.

Xiddiga qadka dhexe ee Real Madrid si uu kor ugu qaado dhaqaalaha uu ururinayo waxaa la iibin doonaa qaar ka mid ah waxyaabihiisa xusuusta sida maaliyadii uu xirnaa guushii waynyd ay Supercopa de Espana ka gaareen Barcelona iyo waliba sidoo kale biladii uu ka helay isla koobkaas ay isku cel celis 5-1 ku mareen Barca.

Maaliyada iyo Bilada oo uu isagu naf ahaantiisa saxiixa ayaa la wada iibin doonaa iyadoo durba la soo gudbiyay dalab dhan 5,600 oo euro intaana way ka sii sara mari kartaa qiimaha maadama ay labo usbuuc ka harsan tahay taariikhda ay xirmeyso.

“Markii aan booqday Isibtalka anoo la jira real Madrid ciida Christmas-ka ka hor, halkaa oo ay dhab ahaan ku jireen caruur xanuunsan, waxaan durba ka fikiray haddii aan lahaan lahaa hey’ad samafal inaan caawin  karay caruurtan xanuunsan iyo qoysaskooda,” Kroos ayaa sidaa ku waramay.

“Wajiyada faraxsan ee caruurta iyo fal celinta farxada waalidiinta waa wax I taabtay oo I damqiyay.”.

27 jirka ayaa xitaa samafal ku bixiyay maaliyadii uu kula guuleystay koobka adduunka xulka Jarmalka 2014-kii.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles