(England) 11 Sebt 2017. Tababare France De Boer ayaa laga ceyriyay kooxda Crystal Palace kaddib afar kulan uu qura uu ku hogaamiyay Premier League.
Shir gaaban oo saakay la yeeshay, Guddoomiyaha Palace Steve Parish ayaa go’aansaday inuu xilka ka xayuubiyo macallinka reer Holland kaddib markii laga adkaaday dhammaan kulamadii uu ciyaaray Premier League kal ciyaareedkan cusub.
Guul daradii ugu dambeysay waxay ka soo gaartay Burnley oo gool madi ah ku martay axadii.
Tababarihii hore ee xulka Ingiriiska Roy Hodgson ayaa loo badinayaa inuu qaban doono xilka Crystal Palace iyadoo wararka qaar ayba sheegayaan in 70 jirka uu kol horeba heshiis 2-sano ah la gaaray kooxda dhibaateysan.
Gool FM.