Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Iminka waa waqtigii aan ku guuleysan lahayn Champions League.”. Eden Hazard

$
0
0

hz

(London) 11 Sebt 2017. Chelsea ayaa dib ugu soo laabatay Champions League kaddib markii ay seegtay sanadii la soo dhaafay maadaama ay meel xun ka dhacday xilli ciyaareedkii 2014/15.

Eden Hazard ayaa aad u doonaya inuu ku guuleysto Champions League kal ciyaareedkan isagoo xiran maaliyada Buluuga ee Blues.

“Sanadkan dhabtii waa muhiim. Waxaan Chelsea la gaaray afar dhammaadka Champions League 2014-kii waxaana guul darro naga soo gaartay Atletico Madrid, sidaa darteed maskaxdeyda ayay ka guuxeysaa inaan koobkan ku guuleysto,” Hazard ayaa sidaa yiri.

Eden Hazard on target for Champions League and what he's 'hated' about the tournament

“Waxaan ku guuleystay Premier League, waxaan ku guulystay horyaalka Faransiiska, waxaan ku guuleystay koobab, laakiin ciyaartoyda waa wayn waxay had iyo jeer doonayaan inay ku guuleystaan Champions League.

Hazard ayaa ku kalsoon in Chelsea ay iminka heysato tababaraha  iyo ciyaartoyda saxda ah ee sanadkan magaalada Kiev ku ruxi kara koobka dhaga waynaha.

“Waxaan aaminsanahay inay tahay waqtii aan ku guuleysan lahayn CL, waxaan heysanaa shax fiican, waxaan heysanaa tababare fiican, sidaa darteed diyaar ayaan u nahay.

“Waxaad u baahan tahay inaad ciyaarto ciyaaraha ceynkan oo kale ah maxaa yeelay waqti kasta oo aad ka ciyaarto Champions League waa kulan wayn qofkasta wuu ku daawanayaa.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles