(Europe) 27 Sebt 2017. Cristiano Ronaldo ayaa labo gool dhaliyay xalay guul muhiim u ahayd Real Madrid ay ku soo gaartay garoonka ay baryihii dambe ku badin waayeen ee Signal Iduna Park ee kooxda Dortmund, wuxuuna u jawaabay dadka dhaleeceymaha u soo jeediyay kaddib labadii kulan uu goolasha dhalin waayay La Liga.
Ronaldo ayaa dareensan inay tahay sida inuu kulan kasta is muujiyo si uu u caddeeyo qofka uu yahay.
Wareysi uu bixiyay kulanka kaddib ayuu ku yiri:
“Waxay u muuqataa sida inay tahay inaan kulan kasta muujiyo qofka aan ahay.
“Waan la yaabay waxa ay dadku iga aaminsan yihiin, Rikoodhada aan sameeyay iyagaa hadlaya. Waxaan ahay xirfadle lagu daydo waxaana had iyo jeer leeyahay niyad saafi ah.
“Dhaleeceymaha la ii soo jeedinayo way sii xumaanayaan.
Xiddiga reer Portugal oo ka hadlaya kulankii xalay ay 3-1 uga adkaadeen Dortmund ayaa misane yiri:
“Ka hor kulanka waxaan ka hadalnay sida aan u dooneyno inaan guul ku soo gaarno mininka Dortmund.
“Waxaan sameynay wixii uu tababaraha inoo sheegay, kooxdu innaba caadi ma ahayn, fursado ayaan abuureynay, wax sahlanna maaha inaad halkan ku dhaliso saddex gool.
“Si fiican ayaan u ciyaarnay.”.
Gool FM.