(England) 29 Sebt 2017. Rugcadaagii Liverpool iyo Man United Michael Owen ayaa saadaal ka bixiyay kulamada Premier League oo la ciyaari doono sabtida iyo Axada oo uu ku jiro kulanka la wada sugayo ee Chelsea vs Man City.
Waxaan ka soo qaadaneynaa kooxaha waa wayn iyo Saadaasha uu ka bixiyay.
Chelsea vs Man City: Owen ayaa saadaaliyay in wiilasha Conte ay kulankan ku adkaan doonaan 2-1.
Manchester United v Crystal Palace: Xarfaanta Jose ayaa ku badin doonta 3-0 sida uu qabo Owen.
Arsenal v Brighton: Gunners ayaa 2-0 ku duban doonta kooxda yar sida uu qabo khabiirka reer England.
Newcastle v Liverpool: Kooxdiisii hore ayuu u saadaaliyay inay 3-1 kaga adkaan doonaan Newcastle United.
Huddersfield v Spurs: Tottenham ayuu u saadaaliyay inay ku fowsi doonto 3-0.
Gool FM.