Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waan iska badeli doonaa, ma aqaano sababta uu aabehey iigu bixiyay.”. Laacib qaati ka taagan magaca Osama

$
0
0

osam

(Peru) 29 Sebt 2017. Laacib da’yar oo u dhashay dalka Peru oo lagu magacaabo Osama Vinladen ayaa rajeynaya inuu kulankiisii ugu horreeyay u safto xulkiisa marka uu koobka dhalin yarada 15 jirada ka furmo dalka Argentina balse wuxuu ku dhib qabaa magaciisa.

Osama waa 14 jir dhashay kaddib dagaalkii ay Al qacida la beegsadeen labadii daarood ee Mareykanka halkaa oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 3,000.

Wuxuu iminka u dheelaa kooxda for Union Comercio ee ka dhisan magaalada Nueva Cajamarca ee woqooyiga dalka Peru.

 Osama Vinladen does not know why his dad chose his name for him

Da’yarka oo magaciisa oo dhammeystiran loogu yeero Osama Vinladen Jimenez Lopez ayaa sheeganaya in aabihii oo Gawaarida dhaqa uu diidan yahay inuu u sheego sababata uu ugu magac daray Hogaamiyihii ururka Al Qaacida Osama Ben Laden kaa oo lagu dilay Pakistan bishii May ee 2011.

“Waan ka murugsanaa magacan balse iminka waan la qabsaday inaan la noolaado. Iminka si caadi ah ayaan dareemayaa,” Osama Vinladen ayaa sidaa yiri.

“Waxaan waydiiyay aabahey sababta uu Magacan iigu bixiyay balse markasta wuu ka gaabsadaa inuu ii sheego ama uu ka hadlo.

 Osama Vinladen is known for his speed and nicknamed 'The Monkey' in Peru

“Waxaan ka fikiray inaan badelo magaceyga. Waan badeli doonaa marka uu waqtiga ku haboon yahay.”.

Osama marka uu garoonka ku jiro waxaa lagu naaneysaa Mono oo Ingiriis ahaan noqneysa Monkey (Daanyeer) maadaama uu aad u dheereeyo.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles