Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Guardiola iyo Conte oo ka hadlay shilkii uu ku dhacay Aguero ka hor kulankooda caawa

$
0
0

conte

(England) 30 Sebt 2017. Sergio Aguero ayaa shil halis ah galay khamiistii mar uu ku sugnaa dalka Holland halkaa uu u tagay inuu soo daawado heeso uu qaadayay fanaan reer Colombia ah.

Waxaa iminka dib loogu soo celiyay magaalada Mancehster wuxuuna xaqiijiyay inuu feeraha ka jabay isla markaana uu diirada saarayo sidii uu u soo kaban lahaa isagoona u mahad celiyay taageerayaasha.

Kooxda Man City ayaa rajeynaysa in xiddigooda uu ka maqnaado uun kulanka maanta ee Chelsea dabadeedna uu si dhaqsi leh garoomada ugu soo laaban doono.

Guardiola iyo Conte ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dhaawaca soo gaaray dhaliyaha reer Argentina ka hor kulankooda caawa ee Premier League.

“Maya. Ugu horreyn waan ka  xumahay xaaladan, Waxaan rajeynayaa inuu fiican yahay ”,  Conte ayaa sidaa yiri mar la waydiiyay in maqnaanshaha Auguero uu is badel ku keenay is diyaarintooda.

 Sergio Aguero was wearing his seat belt as a car he was travelling in crashed into a metal pole

Sidoo kale Conte oo la waydiiyay inuu la yaab u arko in Aguero uu ku soo dhaawacmo dalka Holland ayaa misane yiri:

“Maya, waxay ahayd maalin uu fasax lahaa. Waxaan doorbidaa inaan ka hadlo ciyaartoydeeda ee maaha ciyaartoyda kale iyo kooxaha kale, waa xushmad darro inaad xukun ku rido amaba aad qiimeyso xaaladahooda.”.

Guardiola oo dhankiisa ka hadlay dhaawaca Aguero ayaa yiri:

“Mendy wuxuu maqnaan doonaa ilaa wareega afar dhammaadka Champions League laakiin Aguero ma garanayo.

“Anigu dhakhtar maahi sida saxda ahna ma garanayo wuxuu qabo. Shil ayuu ahaa wuxuuna ku soo kaban doona sida ugu dhaqsiyaha badan ee ugu macquulsan.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles