(Catalonia) 02 Okt 2017. Barcelona ayaa isku diyaarineysa sidii ay EUFA iyo FIFA ugu gudbin lahayd dacwad ka dhan ah horyaalka La Liga oo shalay diiday inuu baajiyo kulankii ay la yeesheen Las Palmas.
Barca ayaa si kasta isugu dayday inay baajiso kulankii Las Palmas ee shalay galab kaddib qalalaasihii ka dhacay gobolka Catalonia oo doonaya inuu gooni isku taago.
La Liga ayaa Barcelona ugu goodisay inay lix dhibcood ka jari doonaan haddii ay kulanka ciyaari waayaan iyadoo markii dambena la ciyaaray kulanka oo taageero la’aan ah.
“Waxaan dalban doonaa in sharaxaad nalaga siiyo waayo waa wax aan la fahmi Karin ma aysan dooneyn inay kulanka baajiyaan,” Madaxwaynaha Barca Maria Bartomeu ayaa sidaa u sheegay Catalunya Radio.
“Waxaan u gudbin doonaa maamulka ugu sarreeya waxaana jiri doona cawaaqib ka dhalata.”.
Barcelona ayaa kulankii taageere la’aanta ahaa ku adkaatay 3-0 iyadoo uu Lionel Messi dhaliyay labo ka mid ah isla markaana uu caawiyay midka kale.
Gool FM.