Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Maxaa dhacaya haddii ay Barcelona ku soo biirto Premier League!!??.

$
0
0

wen

(Europe) 02 Okt 2017. Kaddib markii ay Gunners 2-0 ku dubatay Brighton,tababare Arsene Wenger ayaa ka hadlay fikirkiisa ku aadan in Barcelona ay ku soo biirto Premier League.

Gobalka Catalonia oo ay ka dhisan tahay Barcelona ayaa dagaalan xoogan ugu jira sidii uu uga go’i lahaayeen Spain inteeda kale taa oo haddii ay dhacdo sababi karta in  kooxda Barca u soo goosan doonto horyaalada Serie A, Ligue 1 amaba Premier League.

Macallinka reer France oo ka hadlaya rajada suuro galnimada inay Barca ka ciyaarto Ingiriiska iyo waxa ay ka sameyn karaan ayaa yiri.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan barto luqada Catalan.

“Haddii ay Barcelona dooneyso inay ku soo biirto Premier League qofkasta ayay dhibaaato ku noqon doontaa.

“Laakiin ma aaminsani inay halkaa ka gaarsiisan tahay.

“Waa mid xiiso leh waxaana jiri doona dhacdooyin dhinacyada ciyaaraha maadaama ay Barcelona tahay koox heer sare ku ah dhanka siyaasada,”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025