(Europe) 02 Okt 2017. Dhaliyaha cusub ee Chelsea Alvaro Morata ayaa laga reebay xulka qaranka Spain ee kulamada isreeb reebka koobka adduunka la kala yeelanaya Albania iyo Israel.
24 jirka ayaa garoonka ka baxay ciyaartii sabtida ay Blues guul darada kala kulantay Man City horyaalka Premier League kaddib markii uu soo gaaray dhaawac muruqa ah.
Dani Carvajal iyo Andres Iniesta oo dhaawacyo qaba ayaa sidoo kale laga reebay xulka.
Waxaa la aaminsan yahay in weeraryahanka Chelsea uu ugu yaraan labo usbuuc ka maqnaan doono garoomada.
Dhaliyihii hore ee Juve iyo Real Madrid ayaa rajeynaya inuu dib ugu soo laabto garoomada marka laga soo laabto ciyaaraha caalamiga ah kolkaa ay Chelsea la ciyaari doonto Crystal Palace Premier League halka ay Roma isku qaban doonaan Champions League.
Gool FM.