(Europe) 03 Okt 2017. Gareth Bale ayaa dhaawac ku wada seegi doona labada kulank uu xulkiisa Wales ciyaarayo isreeb reebka koobka adduunka usbuucan.
Xiddiga garabka uga duula Real Madrid ayaa laga reebay shaxdii ay kala hortageen Espanyol sababo dhaawac muruqa ah.
Dhaawacaa ayaa sababay in sidoo kale uu seego kulamada uu xulkiisa la kala ciyaarayo Georgia iyo Republic.
Bale ayaa ka baxay isagoo dhutinaya ciyaartii Champions League ay Los Blancos guusha ka gaareen Dortmund tan iyo markaana kama uusan qeyb qaadan tababarka buuxa ee kooxda.
Macallin Zidane wuxuu sheegay in dhaawaca xiddigiisa uusan ahayn mid sidaa u halis badan.
Gool FM.