Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Sida Ronaldo oo kale ayaan u tuuri karaa Laadadka Xorta ah (free-kicks).”.

$
0
0

sida

(Manchester) 03 Okt 2017. Da’yarka u soo baxaya Manchester United  Marcus Rashford ayaa sheegay inuu laadadka xorta ah u tuuri karo sida rugcadaagii hore ee Red Devils Cristiano Ronaldo balse uusan weli dadka tusin.

19-jirka ayaa xubin muhiim ah ka noqday Old Trafford tan iyo sidii uu safka hore u soo jabsaday labo sano ka hor.

Jose Mourinho ayaa masuuliyada Koornooyinka kooxda u gacan galiyay Rashford, isagoona durba kubbad joog sare ah u keenay Marouane Fellaini ciyaartii sabtida ay 4-0 uga adkaadeen Crystal Palace.

 Marcus Rashford says he can take free-kicks just as good as Cristiano Ronaldo

Yeelkeede, iyadoo ay jirto inuu hal free kick oo qura kooxda u dhaliyay kulankii Celta Vigo bishii April ayuu misane Rashford sheeganayaa in awoodiisa tuurista Laadadka Xorta ah ay u fiican tahay sida Ronaldo oo kale balse uu isku dayayo inuu maskaxdiisa wax kala yimaado.

“Maya dhabtii way ka duwan tahay, waxaan u tuuri karaa sida Ronaldo oo kale balse weli ma sameyn,” Rashford syaa sidaa ku waramay.

Cristiano Ronaldo ayaa ku caan baxay Laadadka xorta ah ee ceynkaa loo tuuro muddadii 6-da sano uu ku sugnaa Man United wuxuuna howshaasi ka sii watay gegada Bernabeu.

 Cristiano Ronaldo is famous for his set-piece abilities

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025