(Leicester) 03 Maarso 2016. Naadiga la joojin la’yahay ee Leicester City ayaa gool madi ah ku martay kooxda Southampton oo marti ugu ahayd garoonkooda King Power.
Goolka qura ay ku adkaatay kooxdan mashalayayaasha ah ayaa waxaa qeybtii hore u dhaliyay daafacooda xooga wayn Wes Morgan oo shabaqa dhex dhigay kubbad u kulul sida xabada oo uu madaxa la helay.
Labada kooxood ayaa isku dayo sameeyay balse wax waa laga badeli waayay ciyaarta oo 1-0 ayay guusha ku raacday kooxda la wada saadaalinayo inay sanadkan la tagi doonto horyaalka Premier League.
32-kulan ay ciyaartay horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkan 29-kulan oo ka mid ah ayay goolal dhalisay Leicester City oo waxay saddex gool dheertahay Tottenham iyo West Ham.
Guusha ayaa waxay uga dhigan tahay Leicester City inay iminka hogaanka ku heyso 7-dhibcood oo nadiif ah maadaama shalay bar-baro lagu celiyay Tottenham oo ku soo dhaweyd.
SAWIRRO:
Gool FM.