(England) 04 Okt 2017. Da’yarka Man City Leroy Sane ayaa noqday laacibka ugu orodka dheereeya Premier League kaddib wacdarihii uu ku dhigay Chelsea ciyaartii ay 1-0 uga soo adkaadeen.
Wuxuu jabiyay Rikoodhkii uu xilli ciyaareedkii 2015-16 dhigay dhaliyaha Leicester City Jamie Vardy.
Sheekadan lagu qiimeynayo xawaaraha ciyaartoyda ayaa soo bilaabatay uun 2014 tan iyo markaana Sane ayaa ku sita kaddib markii uu ku orday 22.05mph.
Haddaba EEG xiddigaha ugu orodka dheereeya Premier League ilaa iminka xilli ciyaareedka cusub:
Gool FM.