Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

“Waxaan Jeclaa Goolhaye, balse Hooyadeey ayaa igu qasabtay inaan Weerarka ka ciyaaro.”. Lacazette

$
0
0

SYDNEY, AUSTRALIA - JULY 15:  Alexandre Lacazette of Arsenal during the match between the Western Sydney Wanderers and Arsenal FC at ANZ Stadium on July 15, 2017 in Sydney, Australia.  (Photo by Zak Kaczmarek/Getty Images)

(England) 05 Okt 2017. Dhaliyaha cusub ee Arsenal Alexandre Lacazette ayaa daaha ka rogay in Hooyadii ay ku qasabtay inuu ka ciyaaro weerarka maadaama ay aaminsaneyd in khatar badan tahay Goolhayenimada.

Xiddiga reer France ayaa lacago Rikoodh ka noqday Gunners ugu soo wareegay bishii July intii uu suuqa furnaa kolkaa uu ka yimid Lyon.

Lacazette ayaa daaha ka rogay inuu xishood badnaa berigii uu yaraa isagoona ceyb u arki jiray haddii ay kooxdiisu goolal badan ka dhaliso kooxda ka soo horjeeda.

 Alexandre Lacazette revealed his mother wanted him to be a striker

“Waxaan jeclaa inaan Goolka ka ciyaaro markii aan yaraa, balse hooyadeey ma jecleyn maadaama ay khatar badan u aragtay goolhayenimada, waxay ii sheegtay inaan ka ciyaaro Weerarka amaba aan kubbad dhanba ciyaari doonin.” Lacazette ayaa sidaa yiri.

“Mararka qaar waan xishoon jiray haddii goolal badan laga dhaliyo kooxda naga soo horjeedo laakiin taasi markasto ma dhacdo.

“Haddii aan guul darreysano waan murugoon jiray. Waxaan ka ooyi jiray diidmada ugu yar, ha wal walin waxaas iminka way is badeleen.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025