(Europe) 08 Okt 2017. Real Madrid ayaa bartilmaameedkeeda koowaad ka dhiganeysa xiddiga Chelsea ee Eden Hazard si ay ugu badesho booska Gareth Bale.
Laacibka reer Wales ayaa la dhibtoonaya inuu ka guuleysto taageerayaasha Real Madrid ee ku oorinaya sababo dhaawacyo joogta ah.
Bale ayaana ku raaxeysanayn bilowga xilli ciyaareedka cusub isagoona dhaliyay labo gool shantii kulan ee ugu horreysay La Liga.
Tan iyo sidii uu ugu soo dhaqaaqay Barnabeu 2013 kolkaa uu ka yimid Tottenham Bale ayaa kulan seegayay saddexdii ciyaarba sababo dhaawac darteed.
Camaaliqada Spain ayaana iminka isku diyaarineysa inay xilli ciyaareedka soo socda noolaato 28 jirka la’aantiisa.
Warsidaha Don Balon ee dalka Spain ayaa sheegaya in madaxwaynaha Los Blancos Florentino Perez uu durba hoos ka xariiqday liis ciyaartoy uu doonayo inuu kooxda keeno xilli ciyaareedka soo socda.
Zinedine Zidane ayaa isna dalab shaqsi ahaaneed u gudbiyay kooxda si caasimada Spain loo keeno xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard.
Waxaa la sheegayaa in Zidane uu aaminsan yahay in Hazard uu yahay midka ku haboon badelka Bale haddii uu kal ciyaareedka soo socda ka tago kooxda.
Real Madrid ayaa si xoogan lala xiriirinayay inay u dhaqaaqdo Hazard intii uu furnaa suuqa xagaaga balse marna ma aysan sameyn dalab rasmi ah.
Gool FM.