(Europe) 10 Okt 2017. France Footbal ayaa soo dhammeystirtay liiska 30 laacib ee u sharaxan abaal marinta Ballon d’Or 2017 ee laacibka ugu fiican kaddib markii ay qeyb qeyb marka hore u soo saartay.
Ronaldo iyo Messi ayaa abaal marintan xoog ku heystay 9 kii sano ee la soo dhaafay iyadoo uu xiddiga reer Argentina ku guuleystay 5 jeer halka kabtanka xulka Portugal uu isna 4-jeer hantay.
32 jirka Real Madrid ayay u badan tahay inuu markiisii 5-aad ku guuleysan doono.
Ku guuleystaha Ballon d’Or ayaa waxaa la shaacin doonaa 6-da December.
EEG LIISKA oo DHAMMESTIRAN:
Gool FM.