(Europe) 10 Okt 2017. Xulka Holland ayaa caawa u baahan mucjiso si uu ugu soo boxo koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka.
Netherlands ayaa caawa kulankoodii ugu dambeeyay la ciyaareysa Sweden waxaana looga baahan yahay inay ku adkaadaan 7-0 si ay u soo baxaan.
Laacibka garabka kaga duula Bayern Munich ee Robben ayaa gabi ahaanba aaminsanayn in caawa xulkiisa u soo bixi karin koobka adduunka.
“Tani way ku xanuunjineysa, waa qeybta nasiib darrada ee ciyaaraha,” Robben ayaa sidaa yiri.
“7-0 inaan uga adkaano Sweden ma ahan wax dhici doona.
“Waana dhabar jab marka aad maqasho in Sweden ay ku soo adkaatay 8 -0.”.
Tababaraha xulka Holland Advocaat ayaa qaba fikir ka duwan Robben wuxuuna aaminsan yahay inay weli rajo jirto.
“Runta ayaa waxay tahay inay noqon doonto mid adag. Balse weli ma aysan dhammaan.”.
Gool FM.