(Spain) 10 Okt 2017. Sergio Busquets ayaa kulankii xalay ee isreeb reebka koobka adduunka ay goolka madiga ah uga adkaadeen Israel u ahaa kiisii 100-aad uu u safto xulka Spain.
Udub dhexaadka Barcelona ayaa farxad wayn ku tilmaamay isagoona u mahad celiyay dadkii suuro galka ka dhigay inuu 100-ka xiro.
“Waa waqti farxad inaan gaaro boqol kulan aan u safto xulka,” Busquets ayaa sidaa yiri kulanka kaddib.
“Waxayna timid anigoo ka garab ciyaaraya ciyaartoy wax badan ku guuleystay. Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dadka suuro galka ka dhigay.
“Waxaan Del Bosque uga mahad celinayaa sanadihii aan wadaagnay had iyo jeer waan ku mahdin doonaa.
Laacibka Barcelona ayaa xulka Spain u dhaliyay labo gool oo qura kuwaa oo yimid dabayaaqadii 2014.
Wuxuu door wayn ka ciyaaray xulkii Spain ee ku guuleystay koobkii adduunka ee 2010 iyo waliba Euro 2012.
Gool FM.