(Liberia) 10 Okt 2017. Laacibkii hore ee AC Milan, Chelsea iyo Manchester City George Weah ayaa haya wadadii uu ku noqon lahaa Madaxwayne kaddib markii uu isa soo sharaxay doorasha maanta ka dhaceysay dalkiisa Liberia.
Xiddiga ku guuleystay Ballon d’Or 199-tii ayaa iminka Senator ka ah dalkiisa wuxuuna maanta isku soo taagay doorashada dalkiisa.
51-jirka ayaa iminka ugu cad cad 20 musharax oo isku soo sharaxay inay xilka madaxtanimo ka dhexlaan madaxwaynaha iminka ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf.
Weah ayaa dhaliyay 5-gool 15-kulan uu u saftay Chelsea mar uu amaah uga yimid AC Milan 2000. Man City ayuu ku biiray isla xagaagaa balse wuxuu u saftay oo qura 9-kulan kaddib markii ay isku dhaceen tababare Joe Royle.
Wuxuu horey koobab badan kula soo guuleystay AC Milan, PSG iyo Monaco, wuxuuna xulkiisa Liberia u saftay 60 kulan.
Gool FM.