(America) 11 Okt 2017. Mareykanka ayaa xalay waji gabax kala kulmay xulka Trinidad and Tobago oo 2-1 uga adkaaday.
Waxay u baahnaayeen oo qura inay hal dhibic ka helaan kulanka maadaama ay farqiga goolasha aad uga fiicnaayeen xulalka Panama iyo Honduras oo saddexaad iyo afaraad ku jira.
Balse ma ay dhicin oo waxay guul darro lama filaan ah kala kulmeen Trinidad and Tobago sidaa darteed kama soo muuqan doonaan koobka adduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka.
Waa markii ugu horreysay uu Mareykanku seegi doono koobka adduunka tan iyo 1986-dii.
Mexico iyo Costa Rica ayaa horey ugu soo baxay koobka adduunka halka Panama ay iyaduna xalay guul soo daahday ka gaartay Costa Rica iyadoona xaqiiqsatay kaalinta saddexaad.
Honduras oo afaraad ku soo baxday ayaa kulan Play off ah la ciyaari doonta Australia.
Gool FM.