Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Mourinho oo furka ku tuuray Herrera kaddib wareysigii uu bixiyay guul daradii shalay kaddib

$
0
0

Soccer Football - Premier League - Huddersfield Town vs Manchester United - John Smith's Stadium, Huddersfield, Britain - October 21, 2017   Manchester United's Ander Herrera looks dejected as Nemanja Matic and Juan Mata react   REUTERS/Andrew Yates    EDITORIAL USE ONLY. No use with unauthorized audio, video, data, fixture lists, club/league logos or "live" services. Online in-match use limited to 75 images, no video emulation. No use in betting, games or single club/league/player publications. Please contact your account representative for further details.

(England) 22 Okt 2017. Jose Mourinho ayaa ka jeex jeexay xiddigaha Manchester United isagoona su’aal galiyay hab dhaqankooda ciyaareed kaddib guul daradii lama filaanka ahayd ay shalay kala kulmeen kooxda yar ee Huddersfield Town oo ku martay 2-1.

Red Devils ayaa iminka shan dhibcood sare u fiirineysa kooxda ay ku coltamaan magaalada Manchester ee City.

Ander Herrera ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay inay bilowga ciyaarta si xun u ciyaarayeen isla markaana ay kooxda kale wax kasta kaga fiicnaayeen taa oo Jose jawaab adag ka bixiyay.

Jose Mourinho furious with Ander Herrera admission after Manchester United defeat

“Waxaan maqlay in Herrera uu wareysigiisa ku yiri in hab dhaqankeena ciyaareed iyo rabitaankeena uu dhab ahaan aad u liitay.” Jose ayaa sidaa yiri.

“Oh my God! Marka uu ciyaaryahan yiraahdo in ciyaaryahan sidaa dareemayo, waxay ahayd inay dhammaan wada aadaan shirka jaraa’id ayna sharaxaad ka bixiyaan sababta waayo anigu ma sharxi karo sababta.

Dhanka kale Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxdii guusha u qalantay ay guusha qaadatay wuxuuna hadalkiisa ku daray:

Jose Mourinho furious with Ander Herrera admission after Manchester United defeat

“Marka aan guul darreysto kulamada. Waan ka helaa inaan kulamada guul darreysto maxaa yeelay kooxda naga soo horjeeda ayaa naga fiicneyd isla markaana naga tayo badneyd. Marka aad kulan guul darreysato hab dhaqankaaga aawadii, dhabtii aad ayay u xun tahay.

“Dabcan way I walaac galineysaa. Haddii ay maanta dhacday midan maxaysan berina u dhici Karin? Ma xusuusto xitaa kulan saaxiibtinimo uu hab dhaqankeena ciyaarta sidan u liitay.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025