(Europe) 31 Okt 2017. Dhaliyaha Arsenal Olivier Giroud ayaa ku guuleystay abaal marinta Puskas Award ee goolka ugu qurxoon kubbada cagta adduunka ee 2017.
Xiddiga reer France ayaa daaha ka rogay in laga yaabo casharo Qoob ka ciyaar ah (Dance) uu dhigan jiray ay ka caawisay inuu sidaa goolka iskula laabo.
Goolka caaqibada leh ayuu Giroud dhaliyay kulan ay Gunners 2-0 uga adkaatay Crystal Palace kowdii July.
31 jirka ayaa iminka shaaciyay casharo dance ah uu ku qaadan jiray Jaamacada laga yaabo inay ka caawisay inuu goolkan dhaliyo.
“Qoob ka ciyaarka casriga ayaan ku sameyn jiray Jaamacada si aan u diyaariyo shahaadada diploma ee sida tababare ciyaaraha ah. Barnaamijkeena ayay qeyb ka ahayd,” Giroud ayaa sidaa u sheegay French TV:
“Dhabtii waxay ahayd wax Yaab leh mana ahayn wax aan si gaar ah ugu raaxeysan jiray.
“Laakiin macallinkeena ayaa Qoob ka ciyaarkan u arkay sida qaab ka mid ah farshaxanka.
“Goolkeygii scorpion kick ayaa qeyb ka noqon kara howlaha caadiga ee Qoobka ciyaarka uu macallinka isiin jiray waqtigaa.
“Waxaan iminka filayaa in la igu maadeysan doono/shactareysan doono. Waa markii ugu horreysay aan ka hadlo.”.
Gool FM.