(Roma) 01 Nof 2017. Goolkii Stephan El Shaarawy bilowga ciyaarta uga naxsaday Chelsea ciyartii xalay ay Roma 3-da gool ku dubatay Blues ayaa sameeyay labo Rikoodh.
Wiilka reer Talyaani ayaa gaaray shabaqa kooxda reer London 39 ilbiriqsi uun kaddib.
Goolka aya noqday kii ugu dhaqsiyaha badnaa Champions League kal ciyaareedkan, wuxuuna sidoo kale noqday goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa ay dhaliso Roma Taariikhdeeda.
Rikoodhka goolkii ugu dhaqsiyaha badnaa kooxda reer Talyaani waxaa horey u heystay Mohamed Salah oo kaga biiray Liverpool kaddib markii uu gool uga shubay Leverkusen 2015 1 daqiiqo iyo 46 ilbiriqsi kaddib.
Goolka ugu dhaqsiyaha badan taariikhda Champions League waxaa laga dhaliyay Real Madrid 2007 oo waxaa uga shubay Roy Makaay oo ka tirsanaa Bayern Munich 10.12 Ilibriqsi.
Gool FM.