Quantcast
Channel: Byare – Gool FM
Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Antonio Conte oo si caro leh uga hadlay guul daradii xalay ka soo gaartay Roma

$
0
0

b22

(Europe) 01 Nof 2017. Antonio Conte ayaa qiray in bahdilaadii ay xalay Roma kala kulmeen kaddib aysan kooxaha ka cabsan doonin Chelsea.

Roma ayaa xalay ku rabbeysay Blues oo ay ku martay 3-0. Labo gool uu ka xareeyay El Sharaawy iyo mid uu uga shubay Perotti.

“Hadaan aaminsanahay in magaceenu yahay Chelsea isla markaana ay naga cabsanayaan kooxaha naga soo hor jeeda, ma ahan sida saxda ah,” Conte ayaa sidaa yiri.

conte

“Waa inaan helnaa baahida aan muujinay dhammaan kal ciyaareedkii tagay, xilli ciyaareedkan mararma qaar unaan muujinaa.

“Waxa sida aadka ii niyad jabiyay wuxuu ahaa bandhigeena qeybta labaad markaa ay Roma la timid baahi tii hore ka badan , rabitaan badan, dagaal badan si ay noo garaacdo sida cadna way u qalantay guushan.”.

Gool FM.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 4025

Trending Articles