(Europe) 02 Nof 2017. Kaddib goolkii uu xalay ka dhaliyay Napoli tartanka Champions League oo ay kaga adkaadeen 4-2, Sergio Aguero ayaa noqday laacibka ugu goolasha badan ebid taariikhda Manchester City.
Tan iyo sidii uu uga yimid Atletico Madrid 2011, laacibka reer Argentina ayaa dhaliyay 178 gool 264 kulan uu u saftay kooxda ka arrimisa Etihad Stadium.
Goolashiisa aan innaba caadiga ahayn ayaa City ka caawisay inay ku guuleystaan Premier League 2011-12 iyo 2013-14. Wuxuuna rajeynayaa in sanadkan uu koobab hor leh kula guuleystay Pep Guardiola.
Aguero ayaa halis galay waayihiisa kooxda kaddib markii uu Gardiola inta badan keydka dhigayay balse laacibka ayaa dib u soo noolaaday oo wacdaro hor leh dhigaya.
29 jirka ayaa kal ciyaareedkan dhaliyay 9 gool 11 kulan uu ciyaaray taa oo Man City ka caawisay inaan weli dhinaceeda dhulka la dhigin Champions League iyo waliba Premier League.
EEG LIISKA XIDDIGAHA UGU GOOLASHA BADAN TAARIIKHDA MAN CITY:
Gool FM.