(Europe) 02 Nof 2017. Georginio Wijnaldum ayaa dhaawac ku baxay daqiiqadii 15-aad ciyaartii ay xalay Liverpool 3-0 uga adkaatay Maribor tartanka Champions League.
Waxay u muuqataa inay dhibaato ka gaartay canqowga balse ilaa iminka ma cadda inta ay waxyeeladu la egtahay.
26 jirka ayaa waxaa lagu badelay kabtanka kooxda ee Jordan Henderson.
Laacibkii hore ee qadka dhexe Newcastle iyo PSV Eindhoven ayaa ka mid ahaa xiddigaha uu ugu kalsoonida badnaa tababare Jurgen Klopp kal ciyaareedkan.
Kulankii Tottenham ayuu ku seegay dhaawac jilibka ah. Spurs ayaana markaa 4-1 ku dubatay Reds.
Macallinka reer Germany oo hadlay guushii xalay kaddib ayaa qiray in laga yaabo inaysan midan akhbaar fiican u noqon Wijnaldum.
“Georginio Wijnaldum waxaa gaaray dhaawac, balse canqowga wuu bararsan yahay mana ahan tilmaam fiican.”. Klopp ayaa sidaa yiri.
Gool FM.